KISMAAYO (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka Jubbaland ay fashiliyeen weeraro qaraxyo ah, kadib howlgallo ay ka sameeyeen gobolkaasi.
Booliska Jubbaland oo sameeyay howlgalkan ayaa soo saaray miinooyin ay Al-Shabaab ku aaseen inta u dhexeysa deegaanada Buulagaduud iyo Janaay Cabdalle oo ka wada tirsan gobolka Jubbada Hoose.
Dhamme Shukri Faarax Ducaale oo ka tirsan saraakiisha booliska Jubbaland ayaa sheegay inay ka warfare heleen qaraxyadaasi, kadibna ay ku guuleysteen inay soo saaraan.
Waxa uu sheegay in ujeedka Al-Shabaab u ahaa inay qaraxyadaasi ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah, balse ay iyagu ka hortageen.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in qabashada shaqadan ay ku timid wada shaqeyn dhexmartay laamaha amniga iyo shacabka ku dhaqan deegaanadaasi.
Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq dhaqaaqyo laga dareemayaa aagga magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Deegaanada Jubbaland ayaa waxaa dhawaan la filayaa inuu ka billowdo wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, kaas oo uu qurshuhu yahay in lagu xoreeyo gobollada Jubbooyinka.