CEELBUUR (SMN) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Macawiisleyda ayaa maanta la wareegay degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, kadib markii xubnaha Al-Shabaab ay ka baxeen degmadaas.
Taliyaha ciidamada lugta Soomaaliya, Jeneraal Axmed Aadan ayaa xaqijiyay in ciidamada dowladda iyo kuwa deeggaanku ay goor dhaweyd gudaha u galeen degmada Ceelbuur.
Degmadan oo ah mid istaraatiiji ah ayaa waxaa gacanta ku hayay Al-Shabaab tan iyo sanadkii 2017-kii oo ay dib u qabsadeen.
Qabashada Ceelbuur ayaa noqonaya guul-darro xooggan oo Al-Shabaab soo wajahaday, maadama u ahaa saldhigii ugu weynaa oo ay Al-Shabaab ka joogtay bartamaha Soomaaliya.
Howlgalka maanta lagu qabtay degmada ayaa waqti dheer qaatay, waxaana hoggaamintiisa Dhuusamareeb u tegay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Associated