JALALAQSI (SMN) – Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidanka deegaanka ayaa maanta Al-Shabaab kala wareegay deegaano ku yaalla gobolka Hiiraan.
Ciidamada isbaheysanaya oo ka dhaqaaqay degmada Jalalaqsi ayaa gaaray degaannada kala ah Buurweyn iyo Present oo ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.
Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi Nuur Maxamed Absuge (Nuur dheere) oo ka mid ah Saraakiisha iyo mas’uuliyiinta howlgalka hoggaaminaya ayaa Warbaahinta u xaqiijiyey qabashada labadaas deegaan ee hoostaga degmada Jalalaqsi.
Nuur Dheere ayaa sheegay in ciidamada ay sii wadi doonaan howlgalladooda, isla markaana ay Al-Shaaab ka sifeyn doonaan halkaasi.
Hiiraan ayaa kamid ah gobollada uu weli ka socda dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo lagala wareegay deegaano muhiim ah.