Cutubyo ka tirsan ciidamada difaaca Puntland oo saaka hawlgal u baxay ayaa gaaray qeyba kamid ah togga Miraale gaar ahaanna goobihii saaxiibada Caalamiga ah ku duqeeyeen firxadka mileeshiyaadka Daacish.
Ciidamo xooggan oo saaka ku ruqaansaday goobihii lagu ogaa firxadka kooxda Daacish ayaa gudaha u galay qeyba kamid ah togga Miraale halkaasi oo ay dhawaanahan ku socotay duqeynta dhinaca cirka ah ee saaxiibada Caalamiga ah islamarkaana waxay halkaasi ugu tegeen meydad ay ka carareen mileeshiyaadka argagixisada ah.
Ciidamada dowladda ayaa goobaha ay gaareen ee togga Miraale ku arkay khasaaraha duqeymaha cirka u geysteen firxadka argagixisada oo ay ku jiraan meydad ku hoos jira godadkii duqeyntu haleeshay waxa sidoo kale halkaasi ciidamadu ugu tegeen keyadkii kooxda ee duqeyntu burburisay.
Hawlgalka ciidamadu saaka ka wadaan Miraale ayaa weli socda waxaana go’an isgaarsiinta jiidda hore ee Miraale marka laga reebo isgaarsiinta gaarka ah ee ciidamadu ku wada xiriirayaan sidaasi darteed wixii faahfaahin ka soo kordha dib ayaan idin kala socodsiin.
PUNTLAND POST