Guutada labaad ee ciidamada difaaca Puntland oo maanta hawlgal qorshaysan ka fuliyay degaanka Guryasamo ee buuraha Calmiskaad ayaa halkaasi ku dilay sarkaal ka tirsanaa firxadka mileeshiyaadka ISIS
Bayaan kooban oo ka soo baxay xafiiska Warbaahinta u qaabilsan ciidamada difaaca Puntland ayuu ku xaqiijiyay warka ku saabsan hawlgalka qorshaysan ee guutada labaad ee ciidamada Puntland ka fuliyeen degaanka Garyasamo, kaasi oo lagu dilay sarkaal ka tirsanaa firxadka dagaallamayaasha argagixisada ISIS.
“Ciidanku waxay hawlgal maanta ka sameeyeen deegaanka Guryasamo ee buuralayda Calmiskaad, waxaa ay dileen xubin ka tirsaneyd Argagixisada Daacish” ayaa lagu yiri bayaan kooban oo ka soo baxay xafiiska Warbaahinta u qaabilsan taliska ciidamada difaaca dowladda Puntland.
Hawlgalkan ayaa imaanaya, iyadoo uu dhammaystir marayo wejiga saddexaad ee hawlgalka Calmiskaad ay ciidamada difaaca Puntland kaga sifaynayaan mileeshiyaadka argagixisada ISIS oo haatan weli firxadkoodii la baacsanayo kaddib markii ay si buuxda u jabeen.
PUNTLAND POST