Fadhiga saaka ee Baarlamaanka Puntland ayaa lavatory ballansan yahay in su’aalo lagu weydiiyo mas’uuliyiinta wasaaradda Maaliyadda.
Qoraal kooban oo ka soo baxay Baarlamaanka ayaa lagu sheegay in fadhiga saaka lavatory ballansan yahay in ay golaha hor-yimaadaan mas’uuliyiinta wasaaradda Maaliyadda Puntland si wax looga weydiiyo dhaqaalaha dalka.
“Ajandaha fadhiga ayaa ahaa La Xisaabtanka Golaha Xukuumadda, waxaana Golaha hor imanaya maanta; Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland” ayaa lagu yiri qoraalka Baarlamaanka.
Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland ayaa lagu wadaa in ay su’aalo ku saabsan xaaladda dhaqaalaha oo ay ku jiraan xuquuqda shaqaalaha iyo ciidamada in ay weydiiyaan mas’uuliyiinta Maaliyadda oo uu ugu horreeyo wasiir Maxamed Faarax Maxamuud.
PUNTLAND POST