DHUUSAMAREEB (SMN) – Milateriga Soomaaliya ayaa sheegay in ay baadigoobayaan ku dhawaad 10 qof oo Al-Shabaab qabsatay ka dib markii diyaarad Helicopter ah oo ay leedahay Qaramada Midoobay ay ku degtay Arbacadii degaan ku yaalla gobolka Galgaduud oo Al-Shabaab maamusho.
Qaramada Midoobay ayaa xaqiijisay in rakaabkii iyo shaqaalihii diyaaradda wali la la’yahay, islamarkaana aysan ka warheyn halka ay ku dambeeyaan.
Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in baaritaanka uu si gaar ah ugu socday deegaanka Xiindheere oo 470-km dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Muqdisho, halkaasoo oo diyaaradda helicopter-ka ku degtay markii soo wajahday cillad farsamo.
Maxamed Aadan oo ka mid ah Taliyeyaasha Ciidamada Galmudug ayaa sheegay “Dadka Rakaabka ah ee xoogaga Al-Shabaab ay qabteen qaarkood ay yihiin Ajaanib” balse ma uusan bixin faah faahin dheeri ah oo ku saabsan dalalka ay kasoo jeedaan.
Qoraal Qaramada Midoobay ayaa lagu shaaciyay in sagaal qof ay saarnaayeen helikobterka markii ay “degaysay”. wararka qaar ayaa sheegay in hal qof la dilay, labada ay baxsatay, iyadoo lix qofna la sheegay in la qafaashay. Diyaarada waxay ka baxday Beledweyne, waxayna kusii jeeday degaanka Wisil, oo dhawaan Al-Shabaab laga saarey.
Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida oo 16-sano waday dagaallo ka dhan ah dowladda ay Qaramada Midoobay taageerto ayaan weli wax struggle ah kasoo saarin.