• Home
  • About Us
  • Contact Us
  • Disclaimer
  • Privacy Policy
  • Terms & Conditions
Tuesday, May 27, 2025
Mnhornnews
  • Home
  • Latest News
  • Business
  • Sports
  • Entertainment
  • Health
  • Travel
  • Lifestyle
  • Shop
No Result
View All Result
  • Home
  • Latest News
  • Business
  • Sports
  • Entertainment
  • Health
  • Travel
  • Lifestyle
  • Shop
No Result
View All Result
Mnhornnews
No Result
View All Result
Home Latest News

Axmed Saleebaan Dafle oo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladdii Militariga Soomaaliya oo xalay geeriyooday – Puntland Publish

admin by admin
April 11, 2025
in Latest News
0
Axmed Saleebaan Dafle oo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladdii Militariga Soomaaliya oo xalay geeriyooday – Puntland Publish
585
SHARES
3.2k
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter


Sareeye Guuto Axmed Saleebaan Cabdalla (Dafle) oo ahaa Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha , iyo xubin ka tirsan Guddiga Sare ee Siyaasadda ee Dowladdii Milateriga ayaa ku geeriyooday magaalada Brussels ee dalka Blegiumka.

Sareeye Guuto Axmed Saleebaan Cabdalla (Dafle) oo sidoo kale soo noqday Taliyihii ugu horreeyay ee Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka, ayaa waxaa soddog u ahaa Madaxweynihii Dowladda Milateriga Marxuum S/Gaas Maxamed Siyaad Barre.

Dafle, wuxuu ku dhashay magaalada Burco ee gobolka Togdheer sanadkii 1937-dii. Waxa uu sanadkii 1959kii waxbarasho dhinaca ciidanka loogu diray Akademiyadda Ciidamada ee Ingiriiska, halkaas oo uu saddex sano wax ku baranayay. Waxa uu kusoo noqday Soomaaliya 1962dii isaga oo xiddigle ah, waxa uuna tababare ka noqday Dugsigii Saraakiisha ciidamada ee Muqdisho.

Sanadkii 1967-dii S/Guuto Axmed Suleebaan Dafle waxaa uu taliye urur ka noqday ciidamadii fadhigoodu ahaa Magaalada Seylac, xilligaas oo ku begnayd waqtigii aftida laga qaadayay dalka Jabuuti. Waxa uu isla sanadkaas madax ka noqday Xafiiskii Wardoonka ee Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isaga oo islamarkaas na xoghaye u ahaa Maxamed Siyaad Barre oo ahaa taliyihii ciidanka xoogga. Sanad kadib waxa uu u dalacay Gaashaanle, isaga oo 1969kii ka mid ahaa saraakiishii afgembiga kula wareegtay xukunka dalka kadib dilkii madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Dafle oo ay u dhaxday gabadhii Maxamed Siyaad Barre waxaa labo jeer la dalacsiiyay intii u dhexeysay 1970kii iyo 1971dii, iyada oo la siiyay darajooyinka Gaashaanle Dhexe iyo Gaashaanle Sare. Dalacsiinta dambe kadib waxa uu noqday taliyaha ciidanka Nabadsugidda Qaranka. Waxa uu xubin ka noqday Guddigii Golaha Sare ee Kacaanka sanadkii 1974dii, isaga oo qaabilsanaa dhinaca nabadgelyada. Labo sano kadibna, waxaa lavatory dalacsiiyay sarreeye guuto. Waxa uu Dafle ka mid ahaa dadka ugu dhawaa Siyaad Barre, iyada oo lagu eedeeyay in uu qeyb ku lahaa tacadiyo iyo dembiyo ay geysatay hay’adda nabadsugidda intii xilka hayay, iyo tacadiyo kale ee ay geysteen kacaanka.

PUNTLAND POST

You might also like

Baaq iyo digniin adag oo laga soo saaray boobka kheyraadka iyo Macdanta degaannada Puntland – Puntland Submit

Safety Officers Meet Clan Elders in Tardo to Strengthen Anti-Terror Cooperation – Somali Nationwide Information Company

SoDMA: Reality Flies The place Lies Fall





Source_link

Tags: AxmedDafledowladdiiduwangeeriyoodaykalaMilitarigaPostPuntlandqabtaySaleebaansooSoomaaliyaxalayxilal
Previous Post

Somali Cupboard Praises Army Beneficial properties In opposition to Al-Shabab, Approves Visa-Free Deal With Egypt

Next Post

Somalia’s president attends Antalya Diplomacy Discussion board in Turkey

admin

admin

Related Posts

Baaq iyo digniin adag oo laga soo saaray boobka kheyraadka iyo Macdanta degaannada Puntland – Puntland Submit
Latest News

Baaq iyo digniin adag oo laga soo saaray boobka kheyraadka iyo Macdanta degaannada Puntland – Puntland Submit

by admin
May 27, 2025
Safety Officers Meet Clan Elders in Tardo to Strengthen Anti-Terror Cooperation – Somali Nationwide Information Company
Latest News

Safety Officers Meet Clan Elders in Tardo to Strengthen Anti-Terror Cooperation – Somali Nationwide Information Company

by admin
May 27, 2025
SoDMA: Reality Flies The place Lies Fall
Latest News

SoDMA: Reality Flies The place Lies Fall

by admin
May 27, 2025
U.S. opposes Somali president’s unilateral election drive 
Latest News

Somalia’s president begins talks with opposition amid rising worldwide strain 

by admin
May 27, 2025
Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo qaabiley Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobey ee degaannada Puntland – Puntland Publish
Latest News

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo qaabiley Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobey ee degaannada Puntland – Puntland Publish

by admin
May 26, 2025
Next Post
Somalia’s president attends Antalya Diplomacy Discussion board in Turkey

Somalia’s president attends Antalya Diplomacy Discussion board in Turkey

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Recommended

Foe of feminine circumcision wins $1.4 million Templeton

Foe of feminine circumcision wins $1.4 million Templeton

May 28, 2023
Somalia’s Minister of Inside Meets with Finnish Delegation to Talk about Key Points – Somali Nationwide Information Company

Somalia’s Minister of Inside Meets with Finnish Delegation to Talk about Key Points – Somali Nationwide Information Company

November 14, 2024

Categories

  • Business
  • Entertainment
  • Health
  • Latest News
  • Lifestyle
  • Sports
  • Travel

About Us

Welcome to Mnhornnews The goal of Mnhornnews is to give you the absolute best news sources for any topic! Our topics are carefully curated and constantly updated as we know the web moves fast so we try to as well.

Categories

  • Business
  • Entertainment
  • Health
  • Latest News
  • Lifestyle
  • Sports
  • Travel

Recent Post

  • Baaq iyo digniin adag oo laga soo saaray boobka kheyraadka iyo Macdanta degaannada Puntland – Puntland Submit
  • Safety Officers Meet Clan Elders in Tardo to Strengthen Anti-Terror Cooperation – Somali Nationwide Information Company
  • SoDMA: Reality Flies The place Lies Fall

Copyright © 2023 Mnhornnews.com | All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Latest News
  • Business
  • Sports
  • Entertainment
  • Health
  • Travel
  • Lifestyle
  • Shop

Copyright © 2023 Mnhornnews.com | All Rights Reserved.