KISMAAYO (SMN) – Guddiga doorashada maamul goboleedka Jubbaland ayaa caawa shaaciyay jadwalka doorashada guddoonka baarlamaanka, madaxweynaha iyo shaacinta xubnaha Golaha Wakiilada maamulkaasi, ayada oo ay taagan tahay xiisadda u dhexeyso DFS iyo maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.
Doorashada Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa lavatory asteeyay 25 bishan Novermber ee sanadka 2024, ayada oo inta ka horeyso lasoo xulayo xildhibaannada cusub, ayna dooran doonaan guddoonkooda.
Jubbaland ayaa sidoo kale ka hortimid tallaabadii ay maanta qaadeen xildhibaanada labada Gole ee lagu meel-mariyay xeerka dhismaha guddiga madaxa banaam ee doorashooyinka iyo xuduudaha.
Halkan hoose ka akhriso;-