Laba xubnood oo ka tirsanaa firxadka dagaallamayaasha ISIL ayaa maanta isu soo dhiibay ciidamada difaaca Puntland ee ku sugan degaanka Labaax-dile oo hoos taga degmada Ufayn ee gobolka Bari.
Xafiiska Warbaahinta u qaabilsan ciidamada Puntland oo qoraal kooban soo saaray ayaa sheegay in ay ciidamada isu soo dhiibeen laba kamid ah ajaanibta ka tirsan firxadka argagixisada ISIL ee lagu jabiyay hawlgalkii buuraha Calmiskaad ee gobolkaasi Bari.
Ciidanka Booliska Puntland waxay sheegeen in labada xubnood oo u dhashay dalka Itoobiya ay magacyadoodu kala yihiin; Nuersaen Lamlmu Hisen, 23sano jir, magaciisa xarakiga ah yahay (Xudeyfa) iyo Abraham Sielshe Zlaka , 25 sano jir , magaciisa xarakiga ah yahay (Cismaan).
“Labada nin oo u dhashay Itoobiya waxay kala yihiin: – Nuersaen Lamlmu Hisen, 23sano jir, magaciisa xarakiga ah yahay (Xudeyfa) iyo Abraham Sielshe Zlaka , 25 sano jir , magaciisa xarakiga ah yahay (Cismaan)” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta u qaabilsan ciidamada Puntland.
“Waxay qirteen in ay ka tirsanayeen Argagixisada Daacish Laakiin duruuftu ku adkaatay, iyagoo iska soo dhiibay deegaanka Labaaxdile ee ka tirsan degmada Ufeyn, Ragan oo la keenay Boosaaso waxaa gacanta ku haya Taliska Booliska ee Gobolka Bari” ayuu sii raaciyay qoraalka ciidamada.
PUNTLAND POST