Agaasimaha Ciidanka PSF Maxamuud Cismaan Diyaano ayaa laga soo xigtay in maanta qoyskiisa lagu rasaaseeyay magaalada Boosaaso.
Telefishinka SBC ayaa ka soo xigtay agaasimaha Ciidanka PSF Maxamuud Cismaan Diyaano in maanta Boosaaso lagu rasaaseeyay baabuur land cruiser ah oo isagu lee yahay islamarkaana ay la socdeen qoyskiisa.
Agaasime Maxamuud Cismaan ayaa sidoo kale laga xigtay in qoyskiisa baabuurka la rasaaseeyay saarnaa ay ka soo laabteen xagaa-bax balse ma sheegin khasaare ka dhashay rasaastaasi.
Sidoo kale waxa la sheegay in agaasimuhu aanu faahfaahin ka bixin sida wax u dhaceen islamarkaana ma jirto cid kale oo ka hadashay jiritaanka dhacdadaasi.
PUNTLAND POST