Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa mar kale doorkan u tartamaya doorashada Madaxweynaha ee 2024.
Dr. Cabdiweli Gaas ayaa lagu wadaa in uu dhawaan si rasmi ah u shaaciyo musharraxnimadiisa xilka Madaxweynaha Puntland ee doorashada soo socota.
Wararka ayaa sheegaya in ololaha Musharrax Cabdiweli Gaas ay gadaal ka riixayaan siyaasiyiin miisaan leh oo ka soo shaqeeyay Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweyne hore Gaas ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay Muqdisho waxaana uu soo noqday xildhibaan heer Federaal, wasiirkii Qorshaynta iyo Ra’iisul wasaarihii Soomaaliya.
PUNTLAND POST