Mushaar la’aan ayaa sida wararku caddaynayaan soo food-saartay shaqaalaha dowladda hoose ee degmada Garoowe.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa noo xaqiijiyay in shaqaalaha kala duwan ee degmada Garoowe aysan wax xuquuq iyo mushaar ah helin bilihii u danbeeyay.
“Mushaar la’aanta ka jirta meesha ayaa niyad-jab ku keentay shaqaalaha maadaama aysan garanayn sababta bathroom siin waayay xuquuqdoodii” sida aan ka xigannay ilo wareedyo madax-bannaan.
Wararka ayaa intaas ku daraya in mas’uuliyiinta degmada Garoowe aysan weli caddaynin waxa sababay mushaar la’aanta soo wajahday shaqaalaha dowladda hoose.
PUNTLAND POST