Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa markii u horraysay magacaabay guddi qaabilsan Wada-xaajoodka Arrimaha doorashooyinka Puntland
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Siciid Deni ayaa lagu magacaabay guddiga oo ka kooban 7 xubnood islamarkaana dowladda ku matali doona Wada-xaajoodka Arrimaha doorashooyinka Madaxtinimada Puntland
Wareegtada ayaa lagu caddeeyay in Madaxweynuhu guddigan magacaabay markii uu arkay “baahida lavatory qabo in la magacaabo guddiga wada-xaajoodka Arrimaha Doorashooyinka. Iyadoo oo laga duulaayo in ay dalka ka dhacdo Doorashada Madaxtooyada iyo Golaha wakiilada taasi oo ku dhacda hannaanka dimuqraadiyadda ee hal qof iyo hal cod”.
Magacyada guddiga ayaa kala ah:
1. Cabdi Faarax Siciid Juxa (Guddoomiye)
2. Ibraahim Cartan Xaaji Bakiin (Xubin).
3. Dr. Naciima Cabdiraxmaan (Xubin)..
4. Cabdullahi Maxamed Xassan (Xubin) .
5. Maxamed Cabdiraxman Dhabancad (Xubin).
6. Xassan Yuusuf Majabe (Xubin).
7. Xassan Caballa Xassan Xubin.
PUNTLAND POST