Dowladda Puntland ayaa si cad uga soo hortimid wax ka badelka Dastuurka Federaalka Soomaaliya oo ay ku tilmaamtay mid laga lee yahay dano siyaasadeed
“Dastuurka kumeel gaarka ah ee Federaalku waa heshiis bulsho, kuna dhisan is faham siyaasadeed iyo dib u heshiineed Qaran kadib burburkii Dowladdii dhexe ee Dalka”.
“Sidaa darteed, Madaxda iyo hay’adaha Dowladda Federaalka ah awood uma laha in ay badalaan hannaanka dowladda dhexe u dhisan tahay ee ah Madaxweyne iyo Raisul Wasaare iyo tubta dowlad dhiska ee ku dhisan Dastuurka KMG ka ah” ayaa lagu yiri Conflict-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland.
“Haddaba, Dowladda Puntland waxay ugu baaqaysaa labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in aysan qayb ka noqon in meesha laga saaro Dastuurka KMG ka ah iyo wax ka badel kasta ee keeni kara khilaaf siyaasi ah”.
“Dowladda Puntland waxay caddeynaysaa in aysan qayb ka noqon doonin dhaqangelinta wax-ka-badel kasta ee Dastuurka lagu sameeyo iyada oo aysan Puntland qayb ka ahayn” ayuu sii raaciyay Conflict-saxaafadeedka Puntland.
PUNTLAND POST