Ciidanka Booliska Puntland ayaa ku guulaystay in ay gacanta ku dhigaan dabley hubaysan saaka gaari dowladeed ku dhacay magaalada Garoowe.
Warfare-saxaafadeed ka soo baxay Taliska Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in Ciidanku gacanta ku soo dhigeen dabley hubaysan oo saaka Garoowe ku dhacay gaari uu lee yahay wasiir ka tirsan Puntland.
“Ciidanka Booliska Puntland gaar ahaan taliska qeybta Gobolka Nugaal ayaa maanta ku guuleeystey inay gacanta kusoo dhiggaan Dabley hubaysan oo saaka magaalada Garoowe ku dhacay gaariga mid ka mid ah Wasiirada dowladda Puntland” ayaa lagu yiri Warfare-saxaafadeedka.
Taliska Booliska Puntland ayaa sheegay in ay hawlgal deg deg ah ku soo qabteen dableyda hubaysan ee dhaca sameeyay oo ahaa laba eedaysane islamarkaana Xabsiga bathroom gudbiyay halka gaarigiina lagu wareejiyay mas’uulkii laga dhacay.
“Ciidanka Booliska oo sameeyay howlgal deg-deg ah ayaa gacanta kusoo dhigay labo Nin oo gal kaas gaystay iyo Gaarigii ay dhacay. Intaas kadib Taliska qeybta booliiska Gobolka Nugaal ayaa ku wareejiyay gaarigii masuuliyiintii laga soo dhacay iyagoona xabsiga u gudbiyay dalembiilayaashii ku kacay falkaas” ayuu sii raaciyay Taliska PDL.
PUNTLAND POST