• Home
  • About Us
  • Contact Us
  • Disclaimer
  • Privacy Policy
  • Terms & Conditions
Sunday, May 11, 2025
Mnhornnews
  • Home
  • Latest News
  • Business
  • Sports
  • Entertainment
  • Health
  • Travel
  • Lifestyle
  • Shop
No Result
View All Result
  • Home
  • Latest News
  • Business
  • Sports
  • Entertainment
  • Health
  • Travel
  • Lifestyle
  • Shop
No Result
View All Result
Mnhornnews
No Result
View All Result
Home Latest News

SSC-Khaatumo oo Somaliland ku eedeeyay dagaalkii Maanta ka dhacay Galbeedka Sool – Puntland Publish

admin by admin
November 8, 2023
in Latest News
0
SSC-Khaatumo oo Somaliland ku eedeeyay dagaalkii Maanta ka dhacay Galbeedka Sool – Puntland Publish
585
SHARES
3.2k
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter


Warfare-saxaafadeed: Laascaanood, 08 November 2023:- Maamulka SSC-Khaatumo wuxuu si dhaw ula socdaa go’aammada colaadeed ee ka imaanaya maamulka Somaliland, kuwaas oo ku hawlan in ay colaad qabiil iyo dagaal beeleedyo ka abaabuulaan beelaha deggan deegaammadaas.

Maamulka Muuse Biixi wuxuu saaka weerar kusoo qaaday deeganada Buqdharkayn ilaa Yeyle oo isku jirta masaafo dhan 8 Kilometer. Deegaannadaas oo shalayna ay ciiddammada Soomaalilaan ku laayeen dad reer miyi ah kuwo kalena ku dhaawaceen. Weerarka saaka ayay malayshiyaadku ku laayeen dad reer miyi ah kuwo kalena ku barakiciyeen.

Ciiddammada difaaca maamulka  SSC-KHAATUMO oo heegan buuxa ku jiray ayaa ka jawaabay weerarkaa fulaynimada ah iyagoona iska caabbiyey malayshiyaadka maamulka Somaliland.

Maamulku wuxuu ogaysiinayaa Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, in Muuse Biixi uu ka dhabaynayo ballan qaadkii colaad ka hurin deegaannada oodwadaagta ah, taasoo keenaysa dhimasho, burbur, iyo qaxinta bulshada oodwadaagta ah.

Haddaba, Maamulka SSC-Khaatumo isaga oo gudanaya waajibaadka iyo masuuliyadda ka saaran shacabkiisa iyo deegaankiisa wuxuu caddaynayaa in uu si dhab ah u qaadanayo colaad hurinta ay Somaliland waddo si dhawna uu ula socdo dhaqdhaqaaq kasta oo ay Somaliland damacsan tahay.

Sidoo kale Maamulka SSC-Khaatumo wuxuu ogaysiinayaa Beesha Caalamka in ay diyaar u yihiin nabad kula noolaanshaha deriskooda, islamarkaana aannu u hoggaan samayno xeerarka caalamiga ah iyo go’aammada Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay.

Ugu dambayn, Maamulka SSC-Khaatumo waxuu mar labaad hoosta ka xarriiqayaa in ay u diyaarsanyihiin difaaca iyo ilaalinta nafta, dhulka iyo sharafta deegaannada SSC-Khaatumo oo idil, weerar kasta oo ka yimaadda Muuse Biixina ay ka dhalan doonto cawaaqib aan la mahadin, kuwaas oo uu  masuuliyaddeeda  qaadayo Muuse Biixi iyo kooxdiisa.

DHAMMAAD

You might also like

Xukmane ku eedaysan argagixiso oo horay xabsi uga baxsaday oo dib lavatory qabtay – Puntland Publish

Second Deputy PM Leads Nationwide Process Pressure in Assessing Flood Harm in Mogadishu – Somali Nationwide Information Company

Heavy Rains Kill Over 10 in Mogadishu, Triggering Floods and Widespread Destruction





Source_link

Tags: dagaalkiidhacayeedeeyayGalbeedkamaantaPostPuntlandSomalilandSoolSSCKhaatumo
Previous Post

Somali-American lady elected as mayor of Saint Louis Park, Minnesota – Somali Nationwide Information Company

Next Post

Somaliland troops, SSC forces conflict in disputed border space

admin

admin

Related Posts

Xukmane ku eedaysan argagixiso oo horay xabsi uga baxsaday oo dib lavatory qabtay – Puntland Publish
Latest News

Xukmane ku eedaysan argagixiso oo horay xabsi uga baxsaday oo dib lavatory qabtay – Puntland Publish

by admin
May 10, 2025
Second Deputy PM Leads Nationwide Process Pressure in Assessing Flood Harm in Mogadishu – Somali Nationwide Information Company
Latest News

Second Deputy PM Leads Nationwide Process Pressure in Assessing Flood Harm in Mogadishu – Somali Nationwide Information Company

by admin
May 10, 2025
Heavy Rains Kill Over 10 in Mogadishu, Triggering Floods and Widespread Destruction
Latest News

Heavy Rains Kill Over 10 in Mogadishu, Triggering Floods and Widespread Destruction

by admin
May 10, 2025
U.S. rejects African Union request to fund new peacekeeping mission in Somalia 
Latest News

U.S. rejects African Union request to fund new peacekeeping mission in Somalia 

by admin
May 10, 2025
Puntland oo sheegtay in aysan gebi ahaanba aqoonsan doonin wax ka beddel kasta oo lagu sameeyo Dastuurka Soomaaliya – Puntland Submit
Latest News

Ciidanka Booliska Puntland oo gacanta ku dhigay nin ku eedaysan dil caawa ka dhacay magaalada Garoowe – Puntland Publish

by admin
May 10, 2025
Next Post
Somaliland troops, SSC forces conflict in disputed border space

Somaliland troops, SSC forces conflict in disputed border space

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Recommended

Puntland Forces Destroy ISIS Instructions in Al-Miskaad Mountains – Somali Nationwide Information Company

Puntland Forces Destroy ISIS Instructions in Al-Miskaad Mountains – Somali Nationwide Information Company

January 17, 2025
Guddoomiye waaxeedyo bathroom haysto Shabaabnimo oo ka horgeeyay Maxkadda CQS

Somali Authorities Detains Senior Macawiisley Militia Officer Amid Allegations of Al-Shabaab Ties

March 1, 2025

Categories

  • Business
  • Entertainment
  • Health
  • Latest News
  • Lifestyle
  • Sports
  • Travel

About Us

Welcome to Mnhornnews The goal of Mnhornnews is to give you the absolute best news sources for any topic! Our topics are carefully curated and constantly updated as we know the web moves fast so we try to as well.

Categories

  • Business
  • Entertainment
  • Health
  • Latest News
  • Lifestyle
  • Sports
  • Travel

Recent Post

  • Xukmane ku eedaysan argagixiso oo horay xabsi uga baxsaday oo dib lavatory qabtay – Puntland Publish
  • Second Deputy PM Leads Nationwide Process Pressure in Assessing Flood Harm in Mogadishu – Somali Nationwide Information Company
  • Heavy Rains Kill Over 10 in Mogadishu, Triggering Floods and Widespread Destruction

Copyright © 2023 Mnhornnews.com | All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Latest News
  • Business
  • Sports
  • Entertainment
  • Health
  • Travel
  • Lifestyle
  • Shop

Copyright © 2023 Mnhornnews.com | All Rights Reserved.