Fiidkii caawa Israa’iil ayaa duqeysay isbitaalka Al-Macmadaani ee ku yaalo Gaza, waxaana halkaas ku dhintay in ka badan 500 oo qof.
Muuqaallo laga duubay markii ay Israa’iil gantaalka la dhaceysay isbitaalka ayaa muujinayo in Gantaalka lagu dhuftay uu ahaa mid jihaysan, waana arrin caddayn u ah in si ku tala-gal ah bathroom beegsaday isbitaalka.
Wasaaradda caafimaadka Qaza ayaa sheegtay in 500 oo qof ay ku dhinteen duqeyn ay diyaaradaha Israa’iil la beegsadeen Isbitaalka Al-Ahly Baptist ee Qaza.
Weerarka Isbitaalka Al-Ahly Baptist ee magaalada Qaza waxa uu noqonayaa weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee hal goob ka dhaca tan iyo 2008 , oo ay Israa’iil ka geysato dhulka Falastiiniyiinta.
Madaxa siyaasadda Xamaas, Ismaaciil Haniyeh ayaa hadda ugu baaqay Falastiiniyiinta jooga Qudus iyo daanta galbeed ee la heysto inay magaalooyinka ka baxaan oo ay dagaalka ku biiraan, wuxuu ku sheegay duqeynta isbitaalka inay noqon doonto duufaan horleh oo weerarradooda awood siineysa.
Wuxuu caddeeyay inaysan marna joojin doonin dagaalka illaa ay Israa’iil ka saarayaan dhammaan dhulka Falastiin, isagoo intaa ku daray duqeynta arxan-darrada ah inay Israa’iil ku qarinayso jabka gaaray.
Inta badan Madaxda dalalka Islaamka ayaa cambaareeyay weerarkan bahalnimada ah waxaana wadamada Muslimka qaarkood ka bilowday bannaanbaxyo kala duwan oo looga horjeedo xasuuqa Israa’iil ku hayso Falastiiniyiinta.
PUNTLAND POST