MUQDISHO (SMN) – Maanta oo ay taariikhda ku beegan tahay 15- October 2023, waxaa xilkii laga qaaday Raktarkii Jamacadda Ummadda Dr Xasan Cumar Mahadallah iyadoo bathroom magacaabay Sii-hayaha Raktarka Jamacadda Ummadda Dr Xasan Cismaan Gacal sida ku cad xeer Madaxweyne LR 144 .
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare, ahna Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Jamacadda Ummadda Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa faray xafiisyada Jamacadda in ay la shaqeeyaan Sii-hayaha Guddoomiyaha Jamacadda Ummadda Dr Xasan Cismaan Gacal .
Ugu dambeeyn, Wasiirka ahna Guddomiyaha Guddiga ayaa u rajeeyey Sii-hayaha Raktarka ee cusub inuu ku guuleeysto gudashada waajibaadkiisa.
*DHAMAAD*