Dowladda Puntland ayaa shalay maxkamad saartay 19 xubnood oo isugu jira argagixisada Daacish iyo AS.
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Puntland xarunteeda Boosaaso ayaa shalay la hor keenay shabakadahan argagixisada ah.
Wararka ayaa xaqiijinaya in xubnahan ay ku jiraan amiiro iyo horjoogayaal sare oo madax ka ahaa shabakadaha madax-jebiska iyo kuwa qaraxyada diyaariya.
Xogaha dhanka amniga ah ayaa sidoo kale sheegaya in maalmaha soo socda la sii wadayo maxkamadaynta shabakadahan.
PUNTLAND POST