MUQDISHO (SMN) – Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ayaa dood ka yeeshay mooshin ku aadan xarigga Janaraal Sheegow Axmed Cali oo dhowaan lagu soo qabtay dagaal ka dhacay degmada Dharkenley.
Mooshinkan ayaa ku saabsan sidii uu cadaalad u heli lahaa Janaraalka, sida uu shaaciyay xildhibaan Maxamed Cumay Caymoy oo golaha u faah-faahiyay ujeedka mooshinkooda.
Sidoo kale xildhibaanka ayaa sheegay in si xushmad darro ah loola dhaqmay marka lasoo xirayay Janaraalka, sidoo kalena la bililiqeystay gurigiisa, sida uu hadalka u dhigay.
Intaas kadib guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa sheegay in arrinta Sheegow ay ku wareejiyeen gudiga amniga ee baarlamaanka Soomaaliya, si uu baaris usoo sameeyo, kadibna uu ugu soo celiyo golaha.
Halkan hoose ka daawo:-
Associated