Baarlamanka Puntland ayaa lagu wadaa in uu Todobaadkan ansixiyo guddiga rasmiga ah ee doorashooyinka Puntland (PEC).
Warar lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in maalinta Talaadada ah ee Todobaadkan uu Baarlamanku ansixinayo xubnaha cusub ee guddiga doorashooyinka.
Fadhiga Baarlamanka Puntland ayaa sidoo kale la filaya in uu gebi ahaanba xirmo kadib marka la ansixiyo xubnaha guddiga doorashooyinka ee PEC.
Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo safar ugu maqan dalka dibaddiisa ayaa isla maalinta Talaadada ah ee Todobaadkan ku wajahan caasimadda Garoowe.
PUNTLAND POST