Xiisad colaadeed ayaa saaka oo Sabti ah laga sheegaya degmada Oog oo ay ku sugan yihiin firxadka ciidamadii Somaliland ee ku jabay dagaalkii Laascaanood.
Wararka ayaa sheegaya in maleeshiya-beeleed ururis ah lagu biiriyay firxadkii ciidamada Somaliland ee ku sugan Oog islamarkaana ay halkaas ka wadaan dhaq dhaqaaq iyo abaabul dagaal.
Saraakiisha ciidamada Somaliland ee dhaq dhaqaaqa ciidan ka wada Oog ayaa doonaya in ay weerar gaadmo ah ku qaadaan dhinaca Salinta Guumays oo ay joogaan ciidamada SSC-Khaatumo.
Dhaq dhaqaaqa saaka laga dareemayo Oog ayaa imaanaya kadib markii madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu dhawaan ku hanjabay in ay ka aar-gudan doonaan ciidamada SSC ee ku jebiyay dagaalkii Gooja-cadde.
PUNTLAND POST