Wararka ka imaamaya magaalada Boosaaso ayaa xaqiijinaya in saaka oo ku beegan 31 Agoosto 2023 dil toogasho ah lagu fuliyay laba nin oo gabar ku dilay degaanka Ceeldaahir ee Gobolka Bari.
Cabdirashiid Siciid Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Cali ayaa saaka lagu fuliyay dil toogasho ah kadib markii lagu helay dilka marxuumad Fardowso Warsame Muuse oo bishii October ee sannadkii 2022 ka dhacay degaanka Ceeldaahir.
Labada xukmane ayaa maxkamaddu sheegtay in ay toorrey ku dileen marxuumadda xilli ay ka furanayeen taleefon sida laga soo xigtay warbixinta waaxda danbi baarista ee C.I.D-da iyo gal-dacwadeedka ay kiiskan ka diyaarisay xeer ilaalinta.
Maxkamadda derejada kowaad ee degmada Boosaaso tan rafcaanka ayaa isku raacay in dil toogasho ah lagu fuliyo labada xukmane waxaana ugu danbayn la qiyaasay saaka oo Khamiis ah.
PUNTLAND POST