Hoggaamiyaha dowladda Libya ayaa sheegay in uu shaqo ka-joojin ku sameeyey wasiirkiisa arrimaha dibedda kadib markii dhiggeeda Israel uu ku dhawaaqay in ay wada-hadallo ku yeesheen Rome, toddobaadkii tegay.
Najla al-Mangoush “si ku meel-gaar ah” ayaa lavatory hakiyey, waxaana baaritaan maamul ku sameyn doona guddi uu hoggaaminayo wasiirka cadaaladda, waxaa sidaa sheegay ra’iisul wasaare Abdulhamid Dbeibah, oo qoraal rasmi ah soo dhigay Fb.
Wasaaradda arrimaha dibedda Libya ayaa ku qeexday “fursad iyo kulan aan rasmi aheyn,” hase yeeshee warka ku saabsan kulanka ayaa horseeday dibad-baxyo ka dhacay waddooyinka dhowr magaalo oo ka tirsan Libya.
Muranka siyaasadeed ayaa qarxay Axaddii kadib markii wasaaradda arrimaha dibedda Israel ay sheegtay in wasiirada arrimaha dibedda labada dal ay kulmeen toddobaadkii tegay.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in wasiirka arrimaha dibedda Israel Eli Cohen iyo dhiggiisa Libya Mangoush, ay ku wada-hadleen kulan ka dhacay Rome oo uu marti-geliyey wasiirka arrimaha dibedda Talyaaniga Antonio Tajani.
PUNTLAND POST