Af-hayeenka Isimada dhaqanka SSC Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed ayaa si rasmi ah u caddeeyay in dhammaan Isimada SSC-khaatumo ay ku midaysan yihiin raalli-gelinta dowladda Federaalka Soomaaliya.
Conflict-saxaafadeed shalay ka soo baxay SSC-Khaatumo ayay dowladda Soomaaliya raalli-gelin ku siiyeen islamarkaana uga mahadceliyeen gurmadka ay u samaysay dadkii ku dhaawacmay colaadda Laascaanood.
” Marka hore waxaan u caddaynaynaa umaddeena meel kasta oo ay joogaan in aysan Isimadu is khilaafsanayn. Warqaddana dhammaan method wada akhriyeen oo ishay mariyeen waana ku wada qanacsan yihiin” ayuu yiri Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed.
Garaadka ayaa sidoo kale sheegay in aysan marna dagaal siyaasadeed la geli doonin dowladda Federaalka Soomaaliya balse dagaalkoodu ku jihaysan yahay dhinaca Somaliland oo keliya.
PUNTLAND POST