Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Shir gudoomiyay kulan lagaga hadlayay dardar galinta howlgalada kasocda deegaanada Jubaland.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Saraakiisha Ciidamada Jubaland ka dhegaystay warbixin ku saabsan Hawlgallada ka dhanka ah kooxaha Nabad-diidka ah ee ka socda Jubaland.
Kulanka Waxaa ka qeybgalay Wasiirka Amniga Common Yusuf Osman iyo taliyayaasha Ciidamada iyo Hay’adaha amniga Jubaland iyo Ciidamada Xooga dalka.
Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay shaqada adag ee ay hayaan Ciidamada kala duwan ee Howlgalka ku jira waxaana uu sheegay in howlgalada ilaa hada la sameeyay laga gaaray guulo wax ku ool ah.
Madaxweynaha ayaa shacabka ree Jubaland ugu baaqay inay garab istaagan Ciidamada howlgalada ku jira oo u dhimanaya una dhaawacmaya sidiii lagu xaqiijin lahaa Amniga iyo Xasiloonida Jubaland.
PUNTLAND POST