Degmada Xagar oo ka tirsan Gobolka Jubada hoose ayaa maanta laga xoreeyay maleeshiyaadka Al-shabaab.
Ciidanka Daraawiishta Jubaland oo kaashanaya ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay degmadaas.
Qabashada ayaa ka dambaysay hawlgal ay maanta sameeyeen ciidanka oo ka dhaqaaqay degmada Afmadow.
Saraakiisha ciidanka Jubaland ayaa sheegay in hawlgalkaas Al-shabaab looga dilay in ka badan 40 xubnood oo ay ku jiraan horjoogayaal.
Jubaland ayaa sidoo kale sheegtay in hawlgalkaas lagu qabtay xubno Shabaab ah iyo baabuur bas ah oo ay saaran yihiin waxyaabaha qarxa.
PUNTLAND POST