Saddex qof oo isku qoys ah ayaa ku dhimatay, saddex kalena manner ku dhaawacmeen kadib markii xalay hoobiye uu kusoo dhacay guri ku yaalla degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.
Dadka ku dhintay iyo kuwa dhaawacmay weerarkan ayaa isku qoys ah, sida ay sheegeen booliiska Soomaaliya.
Weerarkan ayaa boolisku sheegeen inay ku dhinteen aabe iyo laba carruur ah oo uu dhalay. Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay hooyadii iyo laba kale oo carruur ah.
Booliiska ayaa sheegay in hoobiyahan laga soo tuuray duleedka degmada Dayniile. Weerarkan ayaa ciidanku sheegeen inay soo tuureen maleeshiyaadka Al-Shabaab.
PUNTLAND POST