Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Mudane Pier Mario Daccò Coppi.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in Madaxweynaha iyo Safiirku ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal, horumarinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, adeegyada bulshada, taageerada amniga, iyo barnaamijyada dib-u-dhiska ee ka socda dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sida Villa Somalia sheegtay uga mahadceliyey dowladda Talyaaniga doorkeeda muhiimka ah ee ku aaddan taageerada Soomaaliya, isagoo ku boorriyey sii wadista mashaariicda lagu horumarinayo nolosha shacabka Soomaaliyeed.
Safiirka Talyaaniga Mudane Pier Mario Daccò ayaa xaqiijiyey in dowladda Talyaaniga ay ka go’an tahay taageeridda Soomaaliya, isagoo bogaadiyey dadaalka Dowladda Federaalka ee ku aaddan horumarinta dalka iyo dib-u-dhiska hay’adaha dowladeed.
PUNTLAND POST