MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Muqdisho ka dhagax dhigay dhismaha Masharuuc ballaaran oo loogu magac-daray Gateway Complicated, kaasoo uu ku jiro Rotana 5-star Resort, oo noqon doono kiisii ugu horeeyay, oo laga furo dalka Soomaaliya.
Waa masharuuc kii ugu ballaarnaa oo horumarineed oo hindisihiisu ka yimid Bangiga Dhexe, islamarkaana uu fulinayo Premier Financial institution, waxaana loogu tala-galay inuu bedelo muuqaalka caasimadda. Wajiga 1aad ee masharuuca oo 2 sano soconaya, ayaa lagu dhisayaa 5-star Resort oo ka kooban 261 qol, oo ku baxaysa $50,000,000 [Konton milyan] iyo Xarunta Shirarka Caalamiga ah, oo $17,500,000 [17 milyan, shan boqol oo kun] ku baxaysa dhismihiisa.
Xaruntan Shirarka iyo hotel-ka oo laga helayo tas-hiilaad heer caalami ah oo dhamaystiran waxay daboolo doonto baahiyo dalka ka jiray iyo kuwa dowladdu qabtay sida madaxda shirarkii dibadda u aadi jirtay. Tani waxay calaamad u tahay dhowr guulo muhiim ah oo u soo hoyday Soomaaliya oo kasoo kabaya colaado iyo aafooyin kale.
Shirkadda Rotana oo laga leeyahay wadanka Imaaraadka ayaa maalgelinaysa mashruucan laga hirgelinayo afaafka Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, iyadoo Shirkadda ay rabto inay Muqdisho u noqoto xarunta 1aad huteelladeeda caalamka, oo hadda ku leedahay dalka Bahraine.
Fulinta masharuucan waxay bedelaysaa aragtidii qaldanayd ee shirkadaha shisheeye ee maalgashiga ka qabeen dalka, sida uu sheegay Guddoomiyaha Premier financial institution, mudane Jibriil Xasan Maxamed (Qaarey), oo isaga Shirkadda Rotana heshiiska maalgashiga mashruucan aadka ugu muhiimka ah lasoo saxiixday.
Gateway Complicated Waxaa lagu tilmaamay “magaalada ku dhex taal magaalo”, waxaana laga heli doono guryo la dago, goobo waxbarasho [International School], isbitaal wayn oo caalami ah, goobo ganacsi iyo goobo shirarka caalamiga lagu qabto, xafiisyo, goobolaga cunteeyo, laguna dalxiiso iyo resort 5-star.
Mashruucan ayaa suura-gelinaya maalgashi dibadda ah, kobcinta dhaqaalaha, abuurista fursado shaqo, kor u qaadida dalxiiska iyo soo-celinta bilicda caasimadda. In Premier Financial institution mashruucan dalka ka fuliyo waxaa ay ka tarjumeysaa in Soomaaliya ay buuxisay shuruudaha maalgashiga iyo kuwa kale ee muhiimka u ah horumarka dalka.