Muqdisho (Wararka PP) — Dr Cabdi Ismaaciil Samatar oo ah Senataor ka tirsan Aqalka Sare waxna ka dhiga Jaamacadda Minnesota ayaa ku eedeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh inuu oggolaaday in Soomaaliya illowdo taariikhda kala dhexeysa Itoobiya. “Taariikhda ayaa nacaladda ummadda illowda taariikhdeeda” ayuu Senator Samatar yiri.
Senator Samatar wuxuu kale oo ku dhaliilay Madaxweyne Xasan Sheekh qodob ka mid ah heshiiska Ankara oo faraya Soomaaliya inay qirto dhiigga Itoobiya, oo ka mid ah ciidammada nabad-ilaalinta, u hurtay Soomaaliya. “Waxay ku tusaysaa dadka shirka Ankara nooga qeybgalay inuu wax ku dhacay garaadkooda ama inay illoobeen wixii soo kala dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya.
Su’aalo badan ayaa ka dhashay qodobkaas. Waxaa meesha laga saaray gaboodfalladii ciidammada Itoobiya ka geysteen Soomaaliya 2007-2009. Ciidammada Itoobiya waxaa Soomaaliya lagaga saaray heshiis dhexmaray Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde 2008 iyo ururkii Isbahaysiga Dib U Xoreynta Soomaaliya (ARS) iyo dowladdii ku meelgaarka ee Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde.
© Puntland Submit, 2024