Dowladda Soomaaliya ayaa maanta baaq nabadeed ka soo saartay colaadda ka aloosan magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.
Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo dib-u-heshisiinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa baaq nabadeed u dirtay dhinacyada ku dagaallamay degmada Ceerigaabo sida ku cad qoraal ka soo baxay wasaaradda.
Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday dhinacyada ku dagaallamaya Ceerigaabo in ay si shuruud la’aan ah lavatory joojiyo colaaddani oo horseedday khasaare naf iyo maal-ba leh, sida ku xusan qoraalka wasaaradda arrimaha gudaha DFS.
“Waa in si shuruud la’aan ah lagu joojiya colaada ka taagaan magaalada Ceerigaabo ee sababtay dhimashada dhaawac iyo barakaca baahsan” ayay baaqeeda ku sheegtay dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dowladda ayaa sidoo kale ka codsatay odayaasha dhaqanka iyo maamullada in ay isu taagaan joojinta colaadda ka taagan Ceerigaabo islamarkaana ka shaqeeyaan xasiloonida iyo wada-noolaanshaha magaalada.
Halkan ka akhriso qoraalka wasaaradda
PUNTLAND POST