MUQDISHO (SMN) -NGuddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ( SoDMA) Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxa ugu sarreeya Hay’adda USAID xafiiskeeda Soomaaliya Catie Lott iyo Fernando Moyle oo ka tirsan shaqaalada waaxda BHA.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iskaashi iyo wada shaqeyn ee ka dhaxeya SoDMA iyo USAID, sidii looga guul gaari lahaa barnaamijka haqab-tirka cuntada kaasoo ah mashruuc ay maalgelinayso dowladda Mareykanka gaar ahaan Hay’adda Gargaarka Maraykanka (USAID) iyo qodobbo kale oo wax-ku-ool ah.
Guddoomiyaha ayaa Dowladda Maraykanka iyo Hay’adda USIAD uga mahadceliyay taageerada ku aaddan dowlad dhiska, hormarinta iyo bani’aadannimo ee ay muddada fog la garab taagan yihiin Soomaaliya..