MUQDISHO, Soomaaliya – Safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho ayaa soo saartey warfare qoraal ah oo ay ku cambaareysay dagaalkii shalay Ciidanka dowladda iyo kuwa Jubaland ku dhexmaray dagaalka Raaskambooni ee gobolka Jubada Hoose, oo ku tilmaantay mid laga fogaan karay.
Ingiriiska ayaa sheegay inuu aad uga xunyahay inuu dagaalka dhacay xili ay jireen baaqdyo bathroom jeediyay labada dhinaca oo ku aadan qaboojinta xiisadda u dhaxaysa, kuwaasoo la iska indha-tiray. Dagaalka wuxuu saameyn ku yeeshay shacabka degaanka oo Isgaarsinta laga jaray, sidoo kalena la joojiyay dhaq-dhaqaaqyii ganacsiga.
Warka ay Safaaradda soo saartay waxaa sidoo kale lagu xusay in dowladda Ingiriiska ka xuntahay khasaaraha ka dhashay dagaalka Raaskambooni, oo ay dhabarjab ku ah amniga dalka, islamarkaana uu fursad siinayo AS, maadaama labada Ciidan oo bathroom diyaariyay xoreynta dalka ay hadda iyaga iska soo horjeesteen.