Madaxweynihii hore ee Soomaaliya shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul wasaare, Xasan Cali Kheyre iyo siyaasi Xil Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa si adag u cambaareeyay in dowladda Federaalka Soomaaliya ciidamadii dalka u adeegsatay hannaan siyaasadaysan.
“Dalkeennu wuxuu ka soo kabanayaa colaad sokeeye, kala aaminbax bulsho iyo burbur dowladeed. Mabaadi’da dib u dhiska dowladnimada dalka iyo dastuurka ku meel gaarka ah waxaa ku cad in aan ciidanka bathroom adeegsan siyaasadda” ayay ku sheegeen qoraal wadajir ah oo ay soo saareen Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul wasaare, Xasan Cali Kheyre iyo siyaasi Xil Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
“Ciidanka dowladda federaalka ah ee la geeyey Raaskanbooni iyo kuwa daraawiishta Jubaland ee ay la dirirayaan waa wiilal Soomaaliyeed oo walaalo ah, kuwas oo ay ahayd in awooddooda ku wajahaan argagexisada iyo cadawga kale ee qaranka Soomaaliyeed” ayuu sii raaciyay qoraalka ay soo saareen siyaasiyiintaasi.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul wasaare, Xasan Cali Kheyre iyo siyaasi Xil Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya in degdeg bathroom joojiyo dagaalka, khilaafkana miiska wada hadalka lagu xalliyo, lagana heshiiyo doorasho aan shaatigeeda cid gaar ah u tolnayn.
Halkaan ka akhriso Qoraalka
PUNTLAND POST