• Home
  • About Us
  • Contact Us
  • Disclaimer
  • Privacy Policy
  • Terms & Conditions
Friday, May 9, 2025
Mnhornnews
  • Home
  • Latest News
  • Business
  • Sports
  • Entertainment
  • Health
  • Travel
  • Lifestyle
  • Shop
No Result
View All Result
  • Home
  • Latest News
  • Business
  • Sports
  • Entertainment
  • Health
  • Travel
  • Lifestyle
  • Shop
No Result
View All Result
Mnhornnews
No Result
View All Result
Home Latest News

DF oo Itoobiya ku eedeysay inay hub ka dajisay magaalada Kismaayo

admin by admin
December 8, 2024
in Latest News
0
585
SHARES
3.2k
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter


KISMAAYO (SMN) – Dawladda Soomaaliya waxay si dhow ula socotaa dhaq-dhaqaaqyada kasoo cusboonaaday xuduudaha ay la leedahay dalka Itoobiya iyo ficilada gurracan ee ay ka waddo dowladda Itoobiya.

 

Muqdisho, 08 December, 2024: Dawladda Soomaaliya waxay cambaaraynaysaa, isla markaasna ay si weyn uga soo horjeeddaa xad-gudubyada Dawladda Itoobiya ay ka waddo gudaha Soomaaliya oo ay ku carqaladaynayso Amniga iyo Xasiloonida, tallaabooyinkaas oo xad-gudub Ku ah shuruucda caalamka iyo Madaxbanaanida Soomaaliya, taas oo ay wadday tan iyo isku daygeedii dhul ballaarsiga ahaa ee horaantii sanadkaan.

Kadib markii Dawladda iyo Dadka Soomaaliyeed ay ka hor yimaadeen damaca gurracan ee Abiy Axmed, Itoobiya waxa ay si isdaba-joog ah u qaadaysay talaabooyin ay Ku wiiqayso Amniga Dalka Sida, in ay Dalka kusoo daabusho hub Sharci-darro ah iyo in ay gudaha Dalkeeda Ku diyaariso maleeshiyaad Soomaali ah oo ayada ka amar qaata ka dibna ay usoo dirto gudaha Soomaaliya si ay colaad u huriyaan.

Sida lala socday, Itoobiya waxaa ay Hub si sharci-darro ah ugu soo galisay deegaanno ka tirsan dawlad goboleedyada Puntland iyo Galmudug, sidoo kale waxaa ay gudaha Itoobiya Ku uruurisay Maleeshiyaad ay ka kaxaysay Hirshabelle.

Markale ayay maalintii shalay ahayd ka dajisay magaalada Kismaayo Labo Diyaaradood, oo Sida aan xogta Ku hayno, ay leedahay Shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya kuwaas oo waday Hub sharci-darro ah. Diyaaradahaan ayaa Itoobiya ku qaaday Shaqsiyaad uu ka mid yahay Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Jubaland Maxamuud Sayid Aaden iyo xubno la socdo kuwaas oo ay doonayso in ay u kaashato abaabulka shirqoollo ka dhan ah umadda iyo Dawladnimada Soomaaliyeed, ayna u xalaaleeyaan dalka Maleeshiyaad Itoobiya ka amarqaata si ay Itoobiya u hoos-geeyaan talada Gobolka Gedo.

Ficiladaan waxeey si cad u muujinayaan Sida uu maamulka cadowtinnimada Dalka Soomaaliya ay ku fogaatey ee Itoobiya ugu mashquulsan yihiin kala dhantaalidda Midnimada dalka, damaca dhulballaarsiga iyo dib-u-hubaynta maleeshiyaad iyo dabadhilifyo cadow kalkaal ah oo ay ku banaysanayaan qabsashada qeybo kamid ah Dalka, iyo sidoo kale carqaladeynta Amniga Soomaaliya iyo guud ahaan Gobalka geeska Afrika.

Ficillada aan xilkaska ahayn ee Itoobiya waddo waxay u muuqdaan kuwa garabsiinaya kooxaha argagixisada ah, waxa ayna kasoo horjeedaan mabaadi’da ciidamada nabad ilaalinta ATMIS oo ay qeybta ka yihiin, taas oo meeshana ka saaraysa wadahadaladii labada dawladood u socday, isla markaana horseedaya xiisad cusub.

Dawladda Soomaaliya, waxay uga digaysaa shaqsiyaadka dalkooda kusoo hogaaminaya cadowga, ee qeybta ka ah shirqoolada looga soo horjeedo dawladnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya in ay dhaxli doonaan cawaaqib xumo, lana horkeeni doono sharciga, ayadoo looga digayo Dawladda Itoobiya ficiladeeda gurracan ayna dawladda Soomaaliya diyaar u tahay ka difaacidda dalkeeda cid kasta oo ku soo xad-gudubta.

Dawladda Soomaaliya, waxeey markasta diyaar u tahay nabad kuwada noolaasho ku dhisan is ixtiraam balse marna uma dulqaadanayso xad-gudub kasta oo waxyeelaya Madaxbanaanida, Midnimada, Amniga iyo xasiloonida Qaranka.



Source_link

You might also like

MAQAAL: Ku Xadgudubka Sharci ee Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC)

Somalia’s political divisions deepen as key states reject nationwide council final result 

Booliska Gobolka Nugaal oo faahfaahin ka bixiyay hawlgal amni oo ka bilowday Garoowe – Puntland Put up

Previous Post

Syrian rebels topple President Assad, prime minister calls totally free elections 

Next Post

Everlasting Secretary of the Overseas Ministry Meets IOM Nation Chief to Advance Migration, Improvement Targets – Somali Nationwide Information Company

admin

admin

Related Posts

MAQAAL: Ku Xadgudubka Sharci ee Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC)
Latest News

MAQAAL: Ku Xadgudubka Sharci ee Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC)

by admin
May 9, 2025
Somalia’s govt disburses $16 million to Puntland regardless of political gridlock: minister 
Latest News

Somalia’s political divisions deepen as key states reject nationwide council final result 

by admin
May 9, 2025
Booliska Gobolka Nugaal oo faahfaahin ka bixiyay hawlgal amni oo ka bilowday Garoowe – Puntland Put up
Latest News

Booliska Gobolka Nugaal oo faahfaahin ka bixiyay hawlgal amni oo ka bilowday Garoowe – Puntland Put up

by admin
May 9, 2025
IGAD Launches Media Awards 2025 to Spotlight Local weather Motion Storytelling – Somali Nationwide Information Company
Latest News

IGAD Launches Media Awards 2025 to Spotlight Local weather Motion Storytelling – Somali Nationwide Information Company

by admin
May 8, 2025
Mareykanka oo ku bixinaya $10 milyan xog lagu soo qaban karo hogaamiye Al-Shabaab
Latest News

Mareykanka oo ku bixinaya $10 milyan xog lagu soo qaban karo hogaamiye Al-Shabaab

by admin
May 8, 2025
Next Post
Everlasting Secretary of the Overseas Ministry Meets IOM Nation Chief to Advance Migration, Improvement Targets – Somali Nationwide Information Company

Everlasting Secretary of the Overseas Ministry Meets IOM Nation Chief to Advance Migration, Improvement Targets – Somali Nationwide Information Company

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Recommended

Metro Transit police chief guarantees security enhancements

Metro Transit police chief guarantees security enhancements

June 2, 2023
125 Dwell to host ‘Celebrating the Minnesota Senior Spirit’ occasion – ABC 6 Information

125 Dwell to host ‘Celebrating the Minnesota Senior Spirit’ occasion – ABC 6 Information

May 30, 2023

Categories

  • Business
  • Entertainment
  • Health
  • Latest News
  • Lifestyle
  • Sports
  • Travel

About Us

Welcome to Mnhornnews The goal of Mnhornnews is to give you the absolute best news sources for any topic! Our topics are carefully curated and constantly updated as we know the web moves fast so we try to as well.

Categories

  • Business
  • Entertainment
  • Health
  • Latest News
  • Lifestyle
  • Sports
  • Travel

Recent Post

  • MAQAAL: Ku Xadgudubka Sharci ee Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC)
  • Somalia’s political divisions deepen as key states reject nationwide council final result 
  • Booliska Gobolka Nugaal oo faahfaahin ka bixiyay hawlgal amni oo ka bilowday Garoowe – Puntland Put up

Copyright © 2023 Mnhornnews.com | All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Latest News
  • Business
  • Sports
  • Entertainment
  • Health
  • Travel
  • Lifestyle
  • Shop

Copyright © 2023 Mnhornnews.com | All Rights Reserved.