Belgrade (SMN) –Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Dr. Yuusuf Cali Maxamed oo shaqo ku jooga Belgrade, ayaa ka qeyb gelay shirka sanadlaha ah ee Serbia-Africa Integrity.
Â
Wuxuu sidoo kale kulamo guud iyo mid gaar ahba la yeeshay Madaxda Amniga Dowladda Serbia iyo kasoo qeyb-galayaasha shir-weynaha la magac-baxay Sharafta Serbia iyo Africa.
Shirkan oo sanadkiiba mar la qabo ayaa waxaa lasoo qeyb-galay 51 dal oo dalalka Africa ah. Shirka waxaa lagu xoojiyaa xiriirka Serbia iyo Qaarada oo dhisan in ka badan 100 sano.
Fursada ayaa ah mid looga leh faa’iidooyin fara-badan oo ay saldhig looga dhigay xoojinta xiriirka Qaarada iyo dalalka Yurubta Bari oo ay Belgrade xarunta dhaxe u tahay, waxaana lagu casuumaa Madaxda Hey’addaha Amniga ee Qaarada Africa.
Soomaaliya waxaa ku matalayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Dr. Yuusuf Cali iyo la-taliyaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Agaasimaha ayaa mahad balaaran u celiyay Dowladda Serbia marti-gelinta wanaagsan ee ay qaateen Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya.
Agaasime Dr. Yuusuf ayaa hambaliyeeyay Safaaradda iyo Diblomaasiyiinta ka howl-gala intuba, sida hagar la’aanta ah ee ay Qarankoodda ugu shaqeeyaan.
Dhowaan ayay aheyd markii Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uu booqasho shaqo ku tagay dalka Serbia, halkaasi uu kulo kala duwan kula soo yeeshay madaxda dhiggiisa ee dalka Serbia, iyadoona xusid mudan in uu halkaasi tabbabar ugu soo xiray saraakiil isugu jira rag iyo dumar oo ka tirsan Booliska Soomaaliya.
Â
Â
Â