KISMAAYO (SMN) – Warsaxaafadeed lagu baahay bogga Jubbaland Television ayaa waxaa looga hadlay ciidamada saaka iska dhiibtay deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose.
Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadaasi aanay ahayn kuwo ka tirsa Daraawiishta Jubbaland, isla markaana ay yihiin ciidamadii diyaaradaha lagu geeyay halkaasi.
Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:-
Goor hore oo saaka ah ayaa baraha bulshada lagu baahiyay muuqaal sadex Doomood oo sidda ciidan lagu sheegay in ay yihiin kuwa daraawiishta Jubaland, hayeeshee aysan ciidankaasi aheyn ciidan Jubaland ka tirsan.
Ciidankaan ayaa ah ciidamadii Diyaaradaha lagu geeyay deegaanka Raas-kaambooni, kuwaas oo hadba koox inta doon la saaro la leeyahay waxa ay iska soo dhiibeen ciidamada Jubaland.
Warbaahin uu isticmaalaayo Eedeysane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa maalmahanba waday sumcad dilka, qeybaha kala duwan ee ciidamada Jubaland kuwaas oo sida caadiga ah kujira howlahoodi shaqo ee ay dadka iyo deegaanka u hayeen”.