• Home
  • About Us
  • Contact Us
  • Disclaimer
  • Privacy Policy
  • Terms & Conditions
Friday, May 23, 2025
Mnhornnews
  • Home
  • Latest News
  • Business
  • Sports
  • Entertainment
  • Health
  • Travel
  • Lifestyle
  • Shop
No Result
View All Result
  • Home
  • Latest News
  • Business
  • Sports
  • Entertainment
  • Health
  • Travel
  • Lifestyle
  • Shop
No Result
View All Result
Mnhornnews
No Result
View All Result
Home Latest News

William Ruto oo xaqiijiyay in ay kulmayaan Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed

admin by admin
November 30, 2024
in Latest News
0
Turkey to Mediate brewing rigidity Between Somalia and Ethiopia
585
SHARES
3.2k
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter


ARUSHA (SMN) – Madaxweynaha Kenya William Ruto oo ka hadlayay meertada 24aad ee Shirka Ururka Bulshada Bariga Afrika ayaa shaaciyay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu kulan la qaadanayo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Wuxuu Ruto sheegay in isaga iyo Museveni, Madaxweynaha Uganda ay kulanka dhex-dhexaadinayaan, si lavatory qaboojiyo xiisadda diblomaasi ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya taasoo uu sheegay inay saameyn ku yeelatay gobolka Geeska Afrika.

“Aniga iyo Museveni waxaan qorsheynaynaa in shir isagu keenaynaa walaalkayga Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, si aan u yareyno xiisadda gobolka Geeska Afrika, maxaa yeelay amniga iyo xasilooni Soomaaliya waxay saameyn wayn ku leeyihiin xasiloonida gobolkeenna, waxayna dhaawacaysaa isdhex-galka ganacsiga iyo maalgashiga,” ayuu yiri Ruto.

Ruto ma uusan shaacin xiligan uu kulanka dhici doono iyo goobta lagu qabanayo, balse wararka ayaa sheegaya in Kenya iyo Uganda midkooda ka dhici doono, maadaama ay xiriir wanaagsan la leeyihiin madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Abiy Axmed ayaa horey uga codsaday madaxda gobolka, oo Museveni, Ruto iyo Ismaaciil Cumar Geelle ay kamid yihiin, inay lakulansiiyaan Madaxweyne Xasan Sheekh, balse aan suurtagalin inay mira-dhal noqdaan dadaaladii la sameeyay ee la isagu keeni lahaa labada hogaamiye.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay inaysan la fariisin doonin Itoobiya illaa ay ka laabato heshiiska badda ay la gashay maamulka Somaliland horaantii sanadkan.

Turkiga ayaa labo jeer wadahadalo u qabtay Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana ay kusoo dhamaadeen natiijo la’aan shirarkii wasiirada arrimaha dibadda labada dal ku yeesheen dhawaan magaalada Ankara, iyadoo wareegi 3aad oo lavatory balansanaa uu qasoomi waayay.



Source_link

You might also like

Somaliland Administration Mends Ties with Djibouti in Coverage Reversal – Puntland Put up

President Hassan Sheikh Mohamud Conducts Inspection of Ministry of Protection Headquarters – Somali Nationwide Information Company

Madaxweynaha Soomaaliya oo looga warbixiyay dagaalka Al-Shabaab

Tags: AbiyAxmediyokulmayaanRutoSheekhWilliamxaqiijiyayXasan
Previous Post

Somalia, Ethiopia leaders to attend their first face-to-face assembly in a 12 months, says Kenyan president   

Next Post

SoDMA Receives Help Cargo from Qatar Charity – Somali Nationwide Information Company

admin

admin

Related Posts

Somaliland Administration Mends Ties with Djibouti in Coverage Reversal – Puntland Put up
Latest News

Somaliland Administration Mends Ties with Djibouti in Coverage Reversal – Puntland Put up

by admin
May 23, 2025
President Hassan Sheikh Mohamud Conducts Inspection of Ministry of Protection Headquarters – Somali Nationwide Information Company
Latest News

President Hassan Sheikh Mohamud Conducts Inspection of Ministry of Protection Headquarters – Somali Nationwide Information Company

by admin
May 23, 2025
Madaxweynaha Soomaaliya oo looga warbixiyay dagaalka Al-Shabaab
Latest News

Madaxweynaha Soomaaliya oo looga warbixiyay dagaalka Al-Shabaab

by admin
May 23, 2025
Somaliland president Irro makes landmark go to to Djibouti to fix strained ties 
Latest News

Somaliland president Irro makes landmark go to to Djibouti to fix strained ties 

by admin
May 22, 2025
Two A long time of Tangible Establishment-Constructing – Puntland Submit
Latest News

Two A long time of Tangible Establishment-Constructing – Puntland Submit

by admin
May 22, 2025
Next Post
SoDMA Receives Help Cargo from Qatar Charity – Somali Nationwide Information Company

SoDMA Receives Help Cargo from Qatar Charity – Somali Nationwide Information Company

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Recommended

Keir Starmer Legally Bested Elon Musk – Puntland Put up

Keir Starmer Legally Bested Elon Musk – Puntland Put up

January 8, 2025
Three automotive bomb explosions rock central Somalia

Three automotive bomb explosions rock central Somalia

September 30, 2023

Categories

  • Business
  • Entertainment
  • Health
  • Latest News
  • Lifestyle
  • Sports
  • Travel

About Us

Welcome to Mnhornnews The goal of Mnhornnews is to give you the absolute best news sources for any topic! Our topics are carefully curated and constantly updated as we know the web moves fast so we try to as well.

Categories

  • Business
  • Entertainment
  • Health
  • Latest News
  • Lifestyle
  • Sports
  • Travel

Recent Post

  • Somaliland Administration Mends Ties with Djibouti in Coverage Reversal – Puntland Put up
  • President Hassan Sheikh Mohamud Conducts Inspection of Ministry of Protection Headquarters – Somali Nationwide Information Company
  • Madaxweynaha Soomaaliya oo looga warbixiyay dagaalka Al-Shabaab

Copyright © 2023 Mnhornnews.com | All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Latest News
  • Business
  • Sports
  • Entertainment
  • Health
  • Travel
  • Lifestyle
  • Shop

Copyright © 2023 Mnhornnews.com | All Rights Reserved.