Doorashada Xilka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa lagu wadaa in ay Maanta oo Isniin ah ka qabsoonto magaalada Kismaayo.
Doorashadan waxaa ku tartamaya afar musharrax oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Xilka haya Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo bathroom badinayo in uu mar kale ku guulaysto Xilka Madaxweynaha Jubaland.
Saddexda musharrax ee kale ayaa kala ah Feysal Maxamed Mataan, Cabdi Xassan Xajiin iyo Abubakar Cabdi Xassan, kuwaasi oo isu diiwaan-geliyay in ay doorashada kala qayb galaan Madaxweynaha hadda Xilka haya Axmed Madoobe.
Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubaland oo dhawaan la soo xulay ayaa shalay dhegeystay Khudbadaha ay jeediyeen afartaasi musharrax ee u tartamaya doorashada Madaxweynaha Jubaland, waxaana la filaya in ay Maanta mar kale doortaan Axmed Madoobe.
Doorashadani ayaa imaanaysa xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay si adag uga hortimid tallaabada Axmed Madoobe ku qabsanayo doorashada, islamarkaana ay ku tilmaantay mid sharci darro ah oo aaney aqbali doonin.
PUNTLAND POST