Cutubyo ka tirsan ciidamada difaaca Puntland oo ka gadoodsan mushaar la’aan ayaa saaka qabsaday kantaroolka waqooyiga Gaalkacyo.
Ciidamadani oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ayaa la xaqiijinayaa in ay gebi ahaanba qabsadeen kantaroolka waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Sarkaal ka tirsan ciidamada gadoodsan ayaa sheegay in ay ka cabanayaan mushaar iyo xuquuq mudda bilo ah kaga maqan dowladda islamarkaana dalbanayaan in sida ugu dhakhsaha badan bathroom siiyo xuquuqdooda.
Dhinaca kale dowladda Puntland weli kama jawaabin cabashooyinka mushaar la’aanta ee ka imaanaysa ciidamada iyo shaqaalaha kuwaasi oo la sheegay in aysan mudda bilo ah qaadan wax mushaar ah.
PUNTLAND POST