Xukuumadda Puntland ayaa shaacisay in ay diyaar u tahay in wada-hadal nabadeed lagu dhammeeyo xaaladda ka taagan Garoowe.
Struggle ka soo baxay shirkii golaha wasiirada Puntland ee maanta oo khamiis ah ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladdu ay bilihii u danbeeyay dadaal ku bixinaysay sidii nabad loogu dhammayn lahaa xiisadda taagan.
” Sida la wada ogsoonyahay dowladda Puntland waxay bilihii u danbeeyay dadaal ku bixinaysay sidii wadahadalo nabadeed loogu dhameyn lahaa arrimaha taagan, welina diyaar ayeey u tahay” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Shirka.
Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in ay ka xun tahay dagaalkii Garoowe ka dhacay Todobaadkan islamarkaana ka tacsiyeynayso dhammaan dadkii ku waxyeelloobay.
PUNTLAND POST