Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay safiirka dowladda Denmark ee Soomaaliya.
Qoraal kooban oo ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Siciid Deni uu maanta qaabilay safiirka dowladda Denmark ee Soomaaliya, Steen Sonne Andersen.
“Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo qaabilay Safiirka dowladda Denmark ee Soomaaliya Amb. Steen Sonne Andersen” ayaa lagu yiri qoraalka Madaxtooyada Puntland.
Madaxweyne Deni iyo Danjire Steen Sonne Andersen ayaa Kulankooda uga wada-hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, arrimaha Puntland sida dimuqraadiyadda iyo mashaariicda horumarinta, sida ay sheegtay Madaxtooyada Puntland.
“Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, arrimaha Puntland sida dimuqraadiyadda iyo mashaariicda horumarinta” ayuu sii raaciyay qoraalka kooban ee ka soo baxay Madaxtooyada.
PUNTLAND POST