Xisbiyada Siyaasadda Puntland ayaa maanta Garoowe Shir kula yeeshay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Mrs. Karin Johannson oo booqasho ku joogta Puntland.
Mas’uuliyiinta xisbiyada Siyaasadda Puntland ayaa xarunta guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Mrs. Karin Johannson oo booqasho ku joogta Puntland.
Mas’uuliyiinta xisbiyada siyaasadda ayaa warbixin ku saabsan doorashooyinkii qof iyo cod ee ka qabsoomay Puntland la wadaagay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Mrs. Karin Johannson.
Shirkan oo ay goobjoog ka ahaayeen Mas’uuliyiin ka socotay 7 Xisbi Siyaasadeed iyo xubno kulanka ku weheliyey safiirka ayaa hoosta looga xariiqay mudnaanta Xoojinta Nidaamka dimuqraadiyadda Puntland ee Xisbiyada Badan.
PUNTLAND POST