Xafiska Tirakoobka Jabuuti ayaa soo bandhigay natiijada Tirakoobkii Saddexaad ee Dadweynaha iyo Guriyeynta dalka Jabuuti, kaas oo Muujinaya in dadka reer Jabuuti ay kor u dhaafeen 1 milyan oo qof.
Agaasimaha guud ee xafiiska Tirakoobka Jabuuti Ibrahim Cabdi Xaddi oo wareysi kooban bixiyay ayaa sheegay in si aad ah ay u sugayeen in tirada dadka reer Jabuuti ay gaarto 1 milyan oo qof.
Tirada dadka ku nool dalkaasi ayaa hadda ka talawday oo hal milyan oo qof kor u dhaaftay sida uu sheegay agaasimaha guud ee xafiiska Tirakoobka dalkaasi Ibrahim Cabdi Xaddi.
“Maanta waxaan u sheegaynaa dadwaynaha Jabuuti dhammaan inaan hal milyan lix iyo lixdan kun sideed boqol iyo sagaal qof(1.066,809) aan nahay Jabuuti” ayuu yiri Ibraahim Cabdi Xaddi.
Sida ku cad tirakoobka tirada dumarka ayaa ka badan ragga ku nool dalka Jabuuti waxaana ay yihiin %50.3 dumarku halka tirada ragga ay tahay boqolkiiba %49.7
PUNTLAND POST