Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhammaan Xawaadaha iyo Shirkadaha kale ee lacag dirista ku wargelisay in ay joojiyaan adeegsiga magaca Somaliland.
Qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya ayaa lagu amray dhammaan Xawaadaha iyo Shirkadaha kale ee lacag dirista in ay website-yadooda ka saaraan magaca Somaliland.
Go’aanka ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale shirkadahaasi ku amray in ay isticmaalaan magaca Soomaaliya halkii ay ka adeegsan lahaayeen magaca Somaliland si bathroom ilaaliyo wadajirka iyo midnimada Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya waxay ku hanjabtay in xawaalad kasta iyo shirkaddii aan u hoggaansamin go’aankaasi bathroom tixgelin doono mid ku xad-gudubtay madax-bannaanida dalka islamarkaana sharciga lala tiigsan doono.
Halkan ka akhriso go’aanka dowladda
PUNTLAND POST