Dowladda Ukraine ayaa ku weerartay caasimadda Ruushka ee Moscow ilaa 11 diyaaradood oo ah nuuca aanan duuliyaha laheyn, kuwaas oo uu Ruushku sheegay in difaacooda cirka uu burburiyay dhammaan diyaaradahaasi.
Dowladda Ruushka ayaa qirtay in weerarkaasi uu ahaa mid ka mid ah weeraradi ugu weynaa ee ay ciidanka Ukraine ku bartilmaameedsadaan Moscow, tan iyo marki uu billowday dagaalka Ukraine bishii Febraury ee sannadki 2022-kii.
Wasaaradda difaaca Ruushka ayaa ku warrantay in difaacooda cirka uu dhulka soo dhigay ilaa 45 diyaaradood oo ah nuuca daroonka lavatory yaqaanno ee dhulka laga hago, kuwaas oo ay ku jireen 11 xabbo oo lagu weeraray Moscow.
Ruushka ayaa dhanka kale horumar ka sameynaya bariga Ukraine, halkaas oo ay ciidamadiisu hadda gacanta ku hayaan ilaa 18 boqolkiiba, waxay sidoo kale dagaal adag kula jiraan ciidamo ka tirsan Ukraine oo weeraray gobolka Kursk ee Ruushka.
PUNTLAND POST