Ciidanka Booliiska Gobolka mudug ayaa ku guulaystey soo qabashada nin isku ekaysiiyay Qof dumar ah.
Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa sheegay in eedaysanaha oo lagu magacaabo Axmed Cali Shire uu adeegsan jiray magac dumar oo ah Aniso Cali Shire.
Qoraal uu soo saaray Booliska ayaa sidoo kale lagu sheegay in eedaysanaha oo da’diisu tahay 20 sano uu ka shaqeysan jirey in mudda ah magalooyinka Boosaaso, Garoowe ilaa Gaalkacyo.
Hawlgalka qabashada Axmed Cali Shire oo qaatay waqti kooban ayaa waxaa ku guulaystay Taliyaha Saldhiga Kabida ee magaalada Galkacyo L/Xidigle Axmed Jaamac Xayir(Raad goob).
“Howlgalka qabashada Axmed Cali Shire oo qaatay waqti kooban ayaa waxaa ku guulaystay Taliyaha Saldhiga Kabida ee Magaalada Galkacyo L/Xidigle Axmed Jamac Xayir(Raad goob)” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska.
“Eedaysanaha ayaana lahor-gayndoonaa Hay’adaha cadaalada ee kiiskan shaqadda kuleh” ayuu sii raaciyay qoraalka Booliska.
PUNTLAND POST