Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay in Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu dib u xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay dhaqan-gelinta xabad joojinta laga sameeyo marinka Gaza.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken sheegay in Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu uu dib u xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay u hogaansamidda xabad joojinta la soo jeediyay in laga hirgeliyo Gaza.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa shalay cod aqlabiyad leh ku meel mariyay qaraar uu soo diyaariyay Maraykanka oo ugu baaqaya Israa’iil iyo Xamaas inay fuliyaan heshiiskan xabbad-joojinta.
14 ka mid ah 15ka xubnood ee Gollaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay Qaraarka, oo ruushka oo kaliya uu ka aamusay.
Wejiga kowaad ee xabbad-joojinta ayaa ku baaqaya in dagaalka la joojiyo, labada dhinacna ay sii daayaan qaar ka mid ah maxaabiista ay kala heystaan, Gargaarka Gaza oo sare bathroom qaado, iyo ciidamada Israel oo ka baxa goobaha dadku ku badanyihiin ee Gaza.
Wajiga labaad ee xabbad-joojinta ayaa dhigaya in si rasmi ah bathroom joojiyo dagaalka, Maxaabiista oo si buuxda bathroom sii daayo, iyo in ciidamada Israa’iil ay si buxda uga baxaan Gaza.
Wejiga ugu dambeeya ee hindisahaasi ayaa dhigaya in Gaza lagu bilaabo dib u dhis muddo sanado ah qaadanaysa, iyo in Xamaas ay Israa’iil u celiso haraaga meydadka la heystayaashii Israel ee dhintay intii ay gacanta Xamaas ku jireen.
PUNTLAND POST